
Thursday, July 2, 2009
Wednesday, June 10, 2009
gar case vs dibin case

Anigu waxaan ka sii fajacsanahay,haddiiba Gar case ka takhaluso Dibin case soo noo bilaaban
mayso wareeg kale oo is reeb reeb ah
oo u dhaxeeya Gar case iyo Shabaab.
Allow sahal amuuraha dhibtana ka dul qaad ciddaan wax galabsan.
Wednesday, April 15, 2009
War yaa yiraahda xeebihiina ilaashada intaad dad is tusisaan.

Meesha soomaalia ugu daran ee la xaqiijiyay in badaheeda la xaalufiyay sunna laga buuxiyay waa maamul ku sheega waqooyi galbeed. Istus iyo halagaa sheego ayaa rogisa. Iyagoo indhahoodu shanyihiin iyo mooji lacag ka qaatee ayaa waxwalba la daldalshaa. Dhallinyarada istiraahda wax ka qabtana xabsigay u taxaabaan..
Obama and Sarkozy you have nothing to celebrate.

It was so shameful for the US president and his navy to bring all their cannons and navy power over four teenagers and kill them in "cold blood"... yes in"cold blood", because the Yankees had no justification or even rigth to murder these poor kids as their Captain's life was not in danger..
Thursday, April 9, 2009
Yaa burcad badeed ah???

Sida dameeri dhaan raacday ayaanu
isaga raacnaa ereyada kasoo yeeraya
kuwa u tashaday badaheena..Yay ku sheegayaan "Burcad badeed??"'
Meeshaa aanu maanta naalo waxaa na dhigay iyaga iyo kuwa u adeega ee isku sheega in ay yihiin ama dawlad
federaal ah ama dawlad gobaleedyo.
Bal eega waxa ka dhacaya markabka ay isku dayeen dhallinyaradaa soomaaliyeed in ay qafaashaan( in kasto aanan ku raacsanayn falalkooda naftooda halista gelinaya hadana waxay qabteen waxaan kuwa dawladda sheeganaya hawaysankarin ...baddeenii ayay ka caajiyeen tuugadii shisheeye ee xaalufinjirtay. Markabka oo waday cunto ay lahayd WFP oo ah
GMF ama cunno la dhalan rogay markii la beerayay oo loogu tala galay Afrikaanka oo halis cudura ah leh(fadlan search for GMF and WFP internetka) laguna caburinayo beralaydeena, kuwa reer galbeedkana lagu naasnuujinayo. Markaa kuwa markabka watayna miyaanay ahayn"BBB wa burcad badeed bandits ah". Muxuse Ka yiri arrintan wasiirkeena cusub ee arrimaha debedda? Wuu ku jees jeesay dhalinyaraadaa miciinla aantu badda ku daadisay.
Friday, April 3, 2009
wadaadadu beerka xaydhaleh way cunaan...

Soomaalidu way maahmaahdaa hase
yeeshee maahmaahyadooda kama
manaafacsadaan.
Soomaalidu waxay tiraahdaa"Nin fadhigaaga ama kadaloobkaaga arkaya looma sara joogsado". Runtii waa maahmaah weyn ninkii wax ku qaadanaya. Waxayna ku tusaalaynisa
sidaadaad sharaftaada iyo haybadaada u dhowranlahayd adoo laga yaabo in ay goobta ku keentay baahi ...
Shariifka waa in uu ogaadaa in uu maanta magaca soomaali oo dhan ku metalayo shirarka caalamiga ah oo aanu ahayn madaxii maxaakiinta oo cidkastoo oo uu gacanta u horsanjiray cidi la xisaabtamijirin.
Thursday, March 26, 2009
Jahawareerka Hargheisa

Cabdiqaasim baa laga hayaa,"War hooy maad ka joogtaan doorasho ku
sheega aad sheegisaa ileen soomaali waad is taqaanaaye oo ku heshiinmaysaane."
Bal maalka intaa le'eg ee ay ku shubayaan wax aan natiijo faaiido leh laga gaarayn may ummaddooda silicu dilooday wax ugu qabtaan.
Thursday, March 12, 2009
ee ee war maahee ummadda runta u sheega.

Waxaa la yaableh qolyaha horbooda maamul isku sheega Hargheisa madaxdoodu marka la waraysanayo maxaa cunaha ku dhega ee ay ugu waashaan "ee..eee...eeee."
Runtu waxy tahay in aanay hayn war cusub oo ay la horyimaadaan shacabkoodii ay ku qanciyeen soomaali inteeda kale naf nooma haysee aan goosano . Shacabkaa masaakiinta ah ee xoolahooda debedaha daaraha iyo qasriyada looga dhistay sannad walbana lagu hoosaasiyo aqoonsigii baanu soo wadnaaye naga dhursuga...naga dhursuga...nagadhursu......
Wednesday, March 4, 2009
wadaadoow alif wax ma leeyahay mise wax ma leh?

Beriguu socday dagaalkii lagu hoobtay ee Ciraaq iyo Iran ayaa weriye reer galbeed ah oo ka soo waramayay jiida hore ee dagaalka ku soo gunaanaday maqaalkiisii" Labada qolaba waxay ku dhawaaqayaan "Allaahu Akbar hase yeeshee waa loo jooga qolada Illaahay u hiilin doono oo guusha kama dambaysta ah siin doono." Runtii labada qolaba waa ku rogmadeen illeen labaduba dhiig muslin bay daadiniyeene.
Dalkeenana waxaa jira wadaado mar walba isku qabta arrimo ay badankoodu laga yaabo in aanay si fiican u fahmin. Bal sidee u dhici kartaa in dad tuulo wada deggan ay laba maalmood oo kala duwan ciida kala tukadaan. Aniga waxay ila tahay in aan wadaadadan marba diinta siday doonaan u fasiranaya aan laga lug baxayne laga tashado intaanay raran kale cagaha noo gelin.
Friday, February 27, 2009
Saturday, February 21, 2009
Subscribe to:
Posts (Atom)





