Beri waxa jiray dawaco iyo bakayle ido wada dhaqda. Maalinba idaha waxaa raacijiray midkood. Maalintay dawacadu raacdo sabeen
Bay soo cuntaa. Markaasu ku yiribakaylihii,
“Maalin maaha, oo laba maaha, oo saddex maaha.. maxaa sabeenaha cuna”. Markaasay dayo ku tiri” Markaan baal ka maro oo aan ugu heeso,”sidii ido ido, sidii ido badan, oo bakayl dhaqay….” Ayuu baal ka soo didaa oo dhuruq sabeen ritaa.
Bakaylihii ayaa shakiyay oo daba galay dayo bal waxay samaynayso. Dayo arigii ayay keen ku ekeysiisay,markaasay sabeen ridatay. Laba jeer markay ruday ayaa bakaylihii arigii baal ka soo didiyay. Dayo arigii bay la diday. Isna sabeentii ayuu qaatay. Haragii ayuu ka saaray. Markaasu
sabeentii gubay oo markay dhamac noqotay ayuu godkii dayo dhex dhigay oo haragii qoyanaa ku daboolay. Dayaa timid, haseyeeshee intaanay hadlin ayuu bakaylihii yiri.”Baal ka soo diday oo sabeen ritay”. Markaasay tiri dayo “Allah ayaa kuu sheegay?”.”Mashaakiil malahee ku farriiso saligan aan kuu dhigay”ayuu ku yiri bakayle. Markii ay saligii ku farriistay ayaa baridii ka gubatay. Markaasay dayo ku muusanawday “ Bakayle
Biyo ku shub, bakayle biyo ku shub”. Markaasu Bakaylihii ugu jawaabay,”Dayo baal ku shub” oo uu uga jeedo baashuu marwalba ka soo didijiray arigu.
Haataan markaad eegtid arrimaha ka taagan Soomaalia oo ummadda riwaayad loo dhigayo oo ay u dhigayaan kuwo ma naxaana oo marba shaadh soo huwada iyo kuwa ay u adeegaan ee lagu magacaabo heyadaha caalamiga oo aan jeclayn in dawalad awoodlehi dalka ka dhalato si ay ugu futaystaan Nairobi xoolaha macaawinada. Aakhirkan sida Dayo ayay raran futada la gelidoonaan.

0 comments:
Post a Comment