
Beriguu socday dagaalkii lagu hoobtay ee Ciraaq iyo Iran ayaa weriye reer galbeed ah oo ka soo waramayay jiida hore ee dagaalka ku soo gunaanaday maqaalkiisii" Labada qolaba waxay ku dhawaaqayaan "Allaahu Akbar hase yeeshee waa loo jooga qolada Illaahay u hiilin doono oo guusha kama dambaysta ah siin doono." Runtii labada qolaba waa ku rogmadeen illeen labaduba dhiig muslin bay daadiniyeene.
Dalkeenana waxaa jira wadaado mar walba isku qabta arrimo ay badankoodu laga yaabo in aanay si fiican u fahmin. Bal sidee u dhici kartaa in dad tuulo wada deggan ay laba maalmood oo kala duwan ciida kala tukadaan. Aniga waxay ila tahay in aan wadaadadan marba diinta siday doonaan u fasiranaya aan laga lug baxayne laga tashado intaanay raran kale cagaha noo gelin.
0 comments:
Post a Comment