Friday, January 30, 2009

Ninwaliba ceesaantii ceel keen!!

Waad wada daawateen baan fili jaha
wareerka iyo fowdada ka socoday shirku sheega Djibouti . Waad la wada
arkay baan fili in arrimaheena shisheeye iska wato oo cidna aanay dan ka lahayn silica ummaddeena haysta.
Waad wada qiimayseen baan fili raga
wadan iyo ha'ad waliba wadatay oo aydin lax luntay u dirsateen..
Soomaali weli waayo arragnino badan ayay u baahantahay,hoogii ay soo martayna kuma waayo aragnimo qaadan. Haantana haddaan salka laga soo unkin shir debed lagu qabtay ha ka yaabina in guul iyo nabad waarta lagu gaaro!!

Wednesday, January 28, 2009


Beri waxa jiray dawaco iyo bakayle ido wada dhaqda. Maalinba idaha waxaa raacijiray midkood. Maalintay dawacadu raacdo sabeen
Bay soo cuntaa. Markaasu ku yiribakaylihii,
“Maalin maaha, oo laba maaha, oo saddex maaha.. maxaa sabeenaha cuna”. Markaasay dayo ku tiri” Markaan baal ka maro oo aan ugu heeso,”sidii ido ido, sidii ido badan, oo bakayl dhaqay….” Ayuu baal ka soo didaa oo dhuruq sabeen ritaa.
Bakaylihii ayaa shakiyay oo daba galay dayo bal waxay samaynayso. Dayo arigii ayay keen ku ekeysiisay,markaasay sabeen ridatay. Laba jeer markay ruday ayaa bakaylihii arigii baal ka soo didiyay. Dayo arigii bay la diday. Isna sabeentii ayuu qaatay. Haragii ayuu ka saaray. Markaasu
sabeentii gubay oo markay dhamac noqotay ayuu godkii dayo dhex dhigay oo haragii qoyanaa ku daboolay. Dayaa timid, haseyeeshee intaanay hadlin ayuu bakaylihii yiri.”Baal ka soo diday oo sabeen ritay”. Markaasay tiri dayo “Allah ayaa kuu sheegay?”.”Mashaakiil malahee ku farriiso saligan aan kuu dhigay”ayuu ku yiri bakayle. Markii ay saligii ku farriistay ayaa baridii ka gubatay. Markaasay dayo ku muusanawday “ Bakayle
Biyo ku shub, bakayle biyo ku shub”. Markaasu Bakaylihii ugu jawaabay,”Dayo baal ku shub” oo uu uga jeedo baashuu marwalba ka soo didijiray arigu.

Haataan markaad eegtid arrimaha ka taagan Soomaalia oo ummadda riwaayad loo dhigayo oo ay u dhigayaan kuwo ma naxaana oo marba shaadh soo huwada iyo kuwa ay u adeegaan ee lagu magacaabo heyadaha caalamiga oo aan jeclayn in dawalad awoodlehi dalka ka dhalato si ay ugu futaystaan Nairobi xoolaha macaawinada. Aakhirkan sida Dayo ayay raran futada la gelidoonaan
.

Saturday, January 24, 2009

Cabdoow kuwanna yaa loo deldeli ???


Cabdoow waxa la yiri daayeer ayaa
arkay durwaa sii dhuruuqsanaya markaasuu intuu ka yaabay foolxumada qaarkiisa dambe ayuu dhurwaagi ku yiri,"Futada xun day!".
Dhurwaagii ayaa intuu soo jaleecay
daayeerkii ku yiri, isagoonba is shiddeen,"Futana daayoo!!". Illeen daayeer futo cidna ugu faanimaayee.
Haatan Cabdow bal haddaad tiri qoomkii xamar degganaa ayaa la xassuuqay oo ina hebel waa in loo deldelaa, ayaa qoomkan reer Baay & Bakool oo sidaad ogtahay loo ciribtiray, xoolahoodii iyo beerahoodiina lala wareegay loo deldelayaa.
Ta kale horta in taariikhda laga been sheego ma fiicna, propagaandada
Yuhuudana in la faafiyo ma fiicna. Hitler cidi ma deldeline isagaa iskii isu qaarijiyay. Qof Muslin ahna maaha in uu maanta TV isla soo taago German baa wax xassuuqay, illeen waa la wada garanayaa in loo jeedo Yuhuuda baa la xassuuqaye. Runtii cidda la isugu tegey ee la xassuuqay ee magaalooyinkoodii la wada buurburiyay waa Germanka ee maaha Yuhuuda.
Adiguse markii aad M/Waynaha noqotay maxaad ummadda u qabatay? Awday xoolihii badnaa ee Carabaha iyo adduunka laga keenay......? Soomaaliyay aan runta isu sheegno, haddii kale aan afkeena kala haysano...Illeen wax nookala qarsoon ma jiraane.

Friday, January 23, 2009

Tollow ma ka dhabbaa mise waa is yeel yeelayaan?


Anigu Soomaaliyay waan idinku wareeray...Bal eega raggaa yiri waxaanu ku shirinaa Djibuuti oo leh madaxwayne iyo dawlad salbalaaran
ayaanu samaynaynaa. Runtii waa wax
laga murugoodo, mana aha nin xishoonaya oo ummaddiisa aayaheeda
jecel in uu ka qayb qaato arrimaha jira awgeed illeen waa iska cadahay in aanay soconayne. Tani waxay ka dhigantahay nin tog soo rogmanaya reerkii ku furay oo oog ugu shiday.

Thursday, January 22, 2009

Monday, January 19, 2009

Aniguna haddaan soo baraarugay


Rag badan oo aanu islahayn waabay
guryohooydeen oo mindhaa dib dambe ugu arkimaysaan saaxadda
siyaasadda ayaabaa hadda leh" Anna
way kan".
Soomaalina ma cidkaloo hoggaamisa ayay la waayay marka afartan"$$$$"
xilka madaxweyne isu soo taageen?

Wednesday, January 14, 2009

Waa la marqaamay !


waxaa la yiri dadka qaadka cuna marka ay marqaamaan qalcado iyo
qasriyo ayay samada ka dhisaan.
Waxay ku mashquulaan riyo aan
qabsoomikarin.
Qolyaha horbooda maamul ku sheega
Hargheisa ayaa ku qarwa in mar uun dawlada Ingriisku ictiraafto
iyo iyagoo ku riyooda iyadoo boqoradda Ingriisku madaxa u salaaxiso oo leh " Carruurtaydiiyeey waan idin ictiraafay ee ii soo dhawaada"
Tolow goormay intay miyirsadaan
isla yaabidoonaan?

Thursday, January 8, 2009

Bacaac! Bacaac! anigana i diwaangeli.


Ninkii Gobolka Awdal ka soo hadlayay waan rumaystay hadalkiisii ahaa in gobolada qaarkood la diiwaangeliyay dhallaan iyo carruur yaryar oo kuwa horbooda maleeshiyada Hargheisa dhalleen.
Waxaa taa ka sii daran in xoolo la diiwaan geliyay!!!... Ma rumaysanisaan miyaa? Waa yahay eega sawirka uu soo
daabacay "jidbaale.com"...oo aad ugu
fiirsada..Maxaa gidaarka carruurtu hortaagantahay ku qoran...safka carruurta xaga dambe miyaanay laba laxood ka haysan? ..Cimrigaaga oo raaga geel dhalayana waa ku tusaa!!

Nin xil qaaday eed qaad!


Marka aanu dib u raacno sheeka xarriireedka carrurta iyo cirroolaba
wax lagu tusaaleeyo ayay ahayd sheekadii "seeftii Damocles"...Beri hore ayaa waxaa jiray boqor, boqorku wuxuu lahaa lataliye, lataliyahaasu wuxuu jeclaa in uu maruun kursiga boqorka ku fariisto si uu dalka ugu arrimiyo. Lataliyihii ayaa boqorkii ka baryay in uu maalinkeliya fursad siiyo
si uu kursigiisa ugu farriisto oo dalka u xukumo. Boqorkii wuu u ogolaatay haseyeeshee
wuxuu saqafka kursiga dushiisa ka soo laadlaadshay seef ay hayso dun miiqa. Boqorkiina waa iska tegey oo ninkii lataliyaha ahaa ku yiri "wakaase dalka si maamul". Lataliyihii wuxuu maalintiisii ku dhamaystay siduu saqafka uun u eegayay ee uu lahaa goormay kugu soo dhici seeftu. Boqorkii markuu soo noqday buu lataliyiihi waydiiyay oo yiri ka waran kursiga iyo xukun .. Lataliyihi wuxuu ku jawaabay" Belaa mardambe xukun iyo kursi raadsata".
Hadda in badan ayaanu maqalay Mr. Faroole ayaa halkeer weraray.. barlamaan qabsaday..anagu qalmaantayadii waa u fiiqanay...ee Hambalyo ka bacdi Allah ha kula garab qabto xilka aad seeftaa soo laadlaada u hoos fariisatay...

Tuesday, January 6, 2009

Bacaluuloow goormaad is qaadan?


Waxaa wax aad loola yaaba ah duulka
horbooda maamul ku sheega Hargheisa dadka ay noo soo dirayaan.
Bal eega ninkaa waynaaday ee Bacaluul wuxuu la soo shaactagey ee uu leeyahay Ina Gaadawayne ayaa Buhoodleh Gurigii Hargheisa ay ku lahayd gubay oo markaan u baqay sanaaduuqdii ayaan la soo cararay!!
Ina Riyaale baa la rabay in uu marka hore la sii dardaarmo oo uu duulka ku yiraahdo" Huuno, meesha beesha caalmka iyo qolyahan reer abtiyaashiina ah ayaan riwaayad u dhigayaaye haddii arrintu idinku xumaato weligiin xagaa iyo Puntland dembiga saara".
Imika intii nooga haajirtay Hargheisa ayaa isku leenaya raqdii diiwaangelintii fashilantay ee SSC!!!